X
    Categories: Qubanaha

Warraysigii ugu Horreeyey ee Laga Qaado Nelson Mandela oo la soo Saaray

Araweelo News Network

Waxa la soo saaray muuqaalka warraysigii ugu horreeyey ee laga qaado hoggaamiyihii hore ee Koonfur Afrika Mr. Nelson Mandela waqtigii uu dagaalka kula jiray midab-ta-koorkii ka jiray dalkiisa.
Muqaalkan oo la rumaysan yahay in la qaaday sannadkii 1956-kii, waxa uu Nelson Mandela ku muujinayaa sida uu uga soo horjeedo midab-takoorkii lagu hayay dadka Madawga ah ee Koonfur Afrika, waqtigaas oo Boqortooyada Ingiriisku xukumi jirtay dalkaas.
Hay’adda la yidhaah Nelson Mandela Foundation, ayaa sheegtay in warraysigan oo 24 daqiiqo socday uu ka dhacay xarunta Old Synagogue ee magaalada Biritooriya (Pretoria), waxaana la qaaday intii Nelson Mandela ay ku socotay dacwadii ay ku soo oogtay dawladdii caddaanka ahayd ee lagu eedeeyey inuu khiyaamo qaran ku kacay, taasoo keentay in la sii daayo Nelson Mandela iyo tobonnaan kale oo la xukun ah.
“Bilawga hore Golaha Qaranka Afrika (African National Congress) waxa ay u qanceen dagaalka lagaga soo horjeedo sarraynta caddaanka (White Supremacy). Waxa inta badan naloo tixgeliyaa in aannu nahay hal qoomiyad (One racial group) si na loogu tacadiyo, waxannu waddi doonaa dagaalka aannu kula jirno arrintaas,” ayuu yidhi Nelson Mandela.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post