X
    Categories: Qubanaha

Wiil Madaxweyne Dhalay oo Musuqmaasuq Dartii Looga Qaaday 11 Baabuur

Araweelo News Network

Dawladda Switzerland ee qaaradda Yurub, ayaa la wareegtay 11 gaadhi oo nooca raaxada iyo ciyaaraha (sports) ah oo uu lahaa wiil uu dhalay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea ee qaaradda Afrika, kadib markii looga shakiyey inuu musuqmaasuq ku helay baabuurtaas.
Sida lagu baahiyey wakaaladaha wararka caalamka oo Jamhuuriya soo xigtay, qoyska Madaxweynaha Equatorial Guinea, ayaa lagu wadaa baadhitaanno la xidhiidha dhinaca musuqmaasuqa, iyadoo baabuurta lala wareegayna hordhac u yihiin baadhitaanka lagu hayo ninka Madaxweynaha ah.
Afhayeenka Xeer-ilaalinta magaalada Geneva ee Switzerland Mr. Henri Della Casa, ayaa saxaafadda u sheegay inay la wareegeen baabuurta uu lahaa wiilka Madaxweynuhu dhalay, kuwaasoo yaalay madaarka diyaaradaha ee Geneva, iyadoo ay jiraan tuhunno dhinaca musuqmaasuqa ah.
Hantidan ayaa qayb ka ahayd hanti la tuhunsan yahay in laga lunsaday dadweynaha dalka Equatorial Guinea, kaasoo lagu haysto Madaxweynaha iyo qoyskiisa oo baadhitaan culus ku bilaabmay.
Dalalka Switzerland iyo Faransiiska, ayaa bilaabay inay baadhitaanno musuqmaasuq ku sameeyaan qoyska Madaxweynaha waddanka Equatorial Guinea, balse ma jiraan wax caddaymo ah oo muujinaya musuqa loo haysto qoyska Madaxweynaha, waxana jira tuhunno sababay in baabuurta tirada badan laga xannibo wiilka Madaxweynuhu dhalay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post