X
    Categories: Warar

Afhayeenkii Xisbiga WADDANI Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay Af-hayeenka DDANI, Barkhad Jaamac Batuun oo galabta warbaahinta la hadlay, isla markaana si cad u sheegay in Xisbiga WADDANi, aanu ka laabanayn baaqa guddoomiyahooda ee isu soo baxa maalinta beri.


Garyaqaan Barkhad, wuxuu ku eedeeyay xukuumadda inay ciidamo soo dhigtay galabta xarunta xisbga ee dhinaca bari ee Magaalada Hargeysa, waxaana saacado yar kadib soo bxday in xabsiga loo taxaabay Afhayeenkii WADDANI, Garyaqaan Barkhad. sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee shebekadda wararka ee Araweelo News Networ heshay fiidkii caawa.


Sidoo kale, wararka hordhaca ah ee shebekada Araweelo News soo gaadhaya ayaa sheegaya in saraakiil kale oo xisbiga ah xabsiga loo taxaabay, walaw Xukuumadda Somaliland, weli wax wara ah kasoo saarin xadhiga Xoghayaha WADDANI, Barkhad Jaamac Batuun, isla markaana xisbiga ayaan weli ka hadlin xadhiga Afhayeenka oo ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen caweyskii Fiidnimo, wax yar kadib markii uu la hadlay warbaahinta.

wixii kasoo kordha wararka saraakiisha Xisbiga WADDANI iyo xaalada kala soco Araweelo News Network,

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post