X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Bilawday Ugaadhsiga Odayaashii Soo Xulay Baarlamaanka Soomaaliya

Araweelo News Network

Al Qaeda-allied Al Shabaab intends to topple Somalia’s west-backed government


Mogadishu(ANN)- Xarakada Al-shabaab, ayaa bilawday weerrarada ay ku ugaadhsanayaan Odayaasha Madax-dhaqameedka soo xulay xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya dhowaan loo sameeyay.

Weerrar hubeysan oo ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa lagu khaarajiyay Oday lagu magcaabo Isaaq oo mid ka mid ah Odayaasha Madax-dhaqameedka ah ee soo xulay Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Odayaashii soo xulay dhowaan Xubnihii Maamul goboleedka Koonfur galbeed, kasoo galay Baaralamaanka.
Sidoo kale weerrar ka dhacay Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho, ayaa lagu dhaawacay Oday Cismaan Subeyr oo kamid ahaa Odayaashii dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Dawladda Federaalka kasoo galay maamul goboleedka HirShabelle.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post