X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Duqayn Ku Casharisay Madaxtooyadda Villa Somalia Iyo Sarkaal Lagu Dilay Qarax

Mogadishu(ANN)Madaafiic Hoobiyayaal ah, ayaa lagu cashiriyay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee Muqdisho caweyskii caawa, waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsaday dhismayaasha ay leeyihiin Safaaradaha Ethiopia iyo Djibouti oo ku yaal xayndaabka madaxtooyada.

Weerarka Madaafiicda lagu garaacay Madaxtooyadda Villa Somalia iyo dhismayaasha ku dhow, waxa sheegatay Al-shabaab, balse madaafiicdaa oo kusoo beegmay xili khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh sii xoogaysanayo ayan la ogayn in ay wax khasaare ah geysteen.

Dhinaca kale weerar Qarax ah oo ka dhacay wadada Maka Al-mukarama, waxaa ku nafwaayay Saraal ka tirsan Dawlada oo ka mid ahaa saraakiisha ka hawlgasha Madaarka Muqdisho.

Weerarada qorshaysan iyo qaraxya ayaa sii batay mudooyinii u danbeeyay Magaalada Muqdisho, waxayna maalmahan danbe kusoo beegmayaan xili ay taagantahay xiisada siyaasadeed ee khilaafka Madaxweynaha iyo raysal Wasaaraha Somalia.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post