X
    Categories: Warar

Al-Shabaab Oo Gacanta ku Dhigtay Diyaarad Kuwa Drones-ka Ah Iyo Weerrar Lagu Qaaday Saldhig Maraykanku Leeyahay

Araweelo News Network

Kismaayo(ANN)Al-shabaab ayaa sheegatay weerrar lagu qaaday Saldhig ku yaal magaalada Kismaayo ee Konfurta Somalia. Sidoo kale wrarka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad Dagaal oo dowladda Mareykanka leedahay ay kusoo dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan ciidamadda Al-shabaab.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa shaacisay weerrarka iyo inay gacanta ku dhigeen Diyaarad Drone ah oo ay ku rakibanyihiin 6 gantaal ay ku dhacday dhulka Buralayda ah ee Shan dacaar oo 70 KM u jirta magaalada Baardheere.

Sidoo kale Wararka ka imanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Al-shabaab weerrar hubeysan ku qaaday maanta saldhig dhinaca cirka ah oo Maraykanku ku leeyahay Kismaayo, kaasoo xiliga la weerraray ay ku sugnaayeen saraakiil Milateri oo Maraykan ah.

Weerrarka oo dhacay maanta gelinkii dambe waxay Al-shabaab u adeegsadeen madaafiic , balse lama sheegin khasaaraha ka dhashay weerrarkaa, mana jiro wax war ah oo dawlada Maraykanku kasoo saartay weerrarka Al-shabaab sheegatay ee saldhigaa iyo diyaaradda ay sheegeen inay kusoo dhacday deegaanka ay gacanta ku hayaan.

Saldhiga Al-sabaab weerrartay, wuxuu Maraykanku dhowaan ka sameeyay halkaa kadib markii uu xidhay Saldhiga Milateri oo uu ku lahaa dhinaca Koonfureed ee dalka Ethiopia, kaas oo diyaaradaha Drones-ka ee weerrada ka fuliya adeegsan jireen.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post