X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Qarax Lala Beegsaday Kolanyo Ciidamadda AMISOM

Araweelo News Network

Qaraxa Muqdisho


Muqdisho(ANN) – Qarax weyn, ayaa lala beegsaday kolonyo ciidamo ka tirsan AMISOM oo ay weheliyaan ciidamo Maraykan ah oo marayay duleedka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka tegey Magaalada Muqdisho ina sii jeeday dhanka garoonka diyaaradaha Balidoogle.

Wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya in Qaraxa oo loo adeegsaday gaadhi uu ka dhacay Koontaroolka Siinka dheer, isla markaana uu burburay gaadiid farabadan oo ay la socdeen ciidamada goobta marayay.
Sida ay sheegayaan wararku gaadiidka ayaa saad u siday garoonka Balidgoogle ee duleedka Muqdisho, waxaana dadka goobta ka dhowaa warbaahinta u sheegeen in ay arkayeen qaar ka mid ahaa kolanyada gaadiidla oo ku gubanaya goobta weerarku ka dhacay.
Lama ogga khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay, bale wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamo Soomaali ah oo ku sugnaa Koontaroolka Siinka dheer ay ku dhinteen.

Al Shabaab, ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaa sida ay ku baahisay idaacadda Andalus, waxayna sheegeen in qaraxa ay ku hoobteen ciidamo Caddaan iyo kuwo Afrikaan ah, balse ma sheegin Al-shabaab tirada ay ku dileen qaraxaa.

Xukuumadda Soomaliya iyo Ciidamadda AMISOM, ayaan ka hadlin weerarka qaraxa lala beegsaday Kolanyada ciidanka ee marayay halkaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post