X
    Categories: Warar

Al-shabaab Oo Sheegtay inay Weerar ku Dileen Askar AMISOM Ah

Araweelo News Network


Mahadaay – Soomaaliya (ANN)- Kooxda Al shabaab ayaa sheegtay inay 7 askari oo ka tirsanaa ciidammada dalka Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ku dileen duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, koonfurta waddanka Soomaaliya toddobaadkan.
War Al-shabaab ku baahiyeen warbaahinta internetka ee taageera shalay, ayaa lagu sheegay inay weerar gaadmo ah oo dagaalyahannadoodu ku qaadeen kolonyo gaadiid ciidammada Burundi wateen oo ka baxay tuulo lagu magacaabo Biyo-cadde, kuna sii jeeday degaanka Jahweyn oo qiyaastii 8km u jira degmada Mahadaay kaga dileen toddoba askari, tiro kalena ka dhaawaceen maalintii Jimcaha.
Dhinaca kale, weerar madaxbannaan oo laga helay dadka degaankaas ayaa xaqiijiyey inuu weerarka ciidanka Burundi lagu qaaday ku bilowday qarax loo adeegsaday miino waddada qarkeeda lagu aasay, kadibna dagaal muddo hal saac ah socday halkaas ku dhexmaray ciidammada AMISOM iyo xoogaga Al-shabaab.
Hase yeeshee, taliska hawlgalka ciidammada AMISOM ee Soomaaliya, ayaa beeniyey sheegashada Al-shaabab oo ay ku tilmaameen been-abuur cad, isla markaana aanay jirin askar ka tirsanaa ciidankooda oo kooxdaasi jid-gooyo ku dileen.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post