X
    Categories: Warar

Boorama: Guddoomiyaha WADDANI Iyo Weftigiisa Oo Kormeeray Goobaha diiwaangelintu Magaalada

Araweelo News Network


Boorama(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti la socda, ayaa kormeer ku sameeyey qaybo ka mid ah goobaha diwaangelinta codbixiyeyaashu ka bilaabantay ee magaalada Boorama, halkaas oo ay ku sugnaayeen wefdiga Guddoomiyaha WADDANI labadii maalmood ee u danbeeyay.

Weftiga xisbiga WADDANI oo ka kooban Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Md. Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka WADDANI, Guddida Fulinta, garabka haweenka iyo dhallinyarada, waxa goobaha ay kormeerka ku sameeyeen ku soo dhaweeyey dad badan oo safaf ugu jiray inay isku diwaangeliyaan sidii ay codkooda uga dhiiban lahaayeen doorashooyinka sannadka 2017 haddii Ilaahay yidhaah.
Guddoomiye Cirro iyo xubnaha weftigiisa, ayaa dadweynaha ku dhiirigeliyey inay si fiican oo nabadgelyo ah uga qaybqaataan diwaangelinta ka bilaabantay Gobolka Awdal, iyagoo dadka u sheegay in qof kasta oo muwaadin ah xaq u leeyahay inuu hal mar oo qudha isdiwaangeliyo si uu u qaato hal kaadh oo uu ku codeeyo.
“Waad ku mahadsan tihiin soo dhaweyntiina, waxaana aan idin kula dardaarmayaa in aan qaadataan kaadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, idinka oo dhowraya nidaamka, isla mar kaana aan ku laba jeer celinayn si aannu innooga khasaarin codka bixinta ee doorashooyinka fooda innagu soo haya,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Dhinaca kale, masuuliyiin ka socday xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa kormeeray qaabka diwaangelintu uga socoto Boorama, kuwaasoo maray qaar ka mid ah goobaha dadka lagu diiwaangelinayo ee gudaha magaaladaas, waxayna dadweynaha ugu baaqeen inay si nabadgelyo ah oo qurux badan uga qaybqaataan muddada diiwaangelintu ka socoto degaannada kala duwan ee Gobolka Awdal.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post