X
    Categories: Warar

Boqortooyada Urdun Oo Sheegtay Inay Dagaalka Ka Dhanka Al-shabaab Kala Qayb Qaadanay Ciidamada Britain

Araweelo News Network

Amman(ANN)Boqor Cabddallaha Dalka Urdun, ayaa sheegay in ciidankiisa cirka iyo kuwa kummaandooska ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada howlgallo millateri oo si wadajir ah ay ula fuliyaan kuwa ingiriiska, si loo wajaho ayuu yidhi, xarakada shabaabul Mujaahidiin ee ku xdhan Alqaacidda, islamarkaana halista ku ah daganaanshaha wadamada Bariga Afrikada.

 

Urdun waxay sheegtay in ciidankeeda kummaandooska ah ay la howlgalayaan ciidanka gaarka ah ee ingiriiska si ay u caawiyaan ciidamadda AMISOM ee Kenya iyo Ethiopia ee ku sugan Somalia, kuwaas sida dawlada Urdun sheegtay uu ku adkaaday dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidaana waxa lagu shaaciyay Dukumiintiyo sir ah oo ay baahiyeen wargeysyada ingiriiska ee kala ah The Guardian iyo Middle East Eye, kuwaas oo lagu sheegay in boqorka Urdun Boqor Cabddallaha labaad uu mareykanka u sheegay bishii Novemver sanaddii 2015-ka in Urdun ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada howlgalla millateri oo ka dhan ah xarakada A-lshabaab ee soomaaliya ka dagaalama.

 

 

 

Boqor Cabddallaha Urdun hadal uu ka horjeediyay xubno katirsan koongareeska mareykanka ayaa sheegay in Al-shabaab ay kaalin ku leeyihiin dagaallada ay xoogaga jihaadiga ah ka wadaan wadanka Libiya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post