Araweelo News Network
Md.Axmed Muumin Seed, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlayey munaasibad ay qabsadeen garabka haweenka Xisbiga WADDANI oo u debaal-degaayey sannad guuradoodii 1aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas aasay, waxaana uu ugu horreyn hambalyo iyo boggaadin ballaadhan uu u diray guud ahaanba haween weynaha xisbiga WADDANI, isaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga WADDANI uu yahay xisbigii ugu horreeyey ee intii asxaabta siyaasaddu ay jirtay hirgeliyey in uu aas aaso garab haween oo iyagu dhexdooda si dumuqraadi ah isku soo doorta.
Halkan Ka Daawo Hadalka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee WADDANI oo dhamaystiran Riix