X
    Categories: Warar

Ciraaq: Wadaadka Caanka Ah Ee Muqtada Al-Sadr Oo Xidhay Bartiisa Facebook

Leader of Iraq’s Sadrist Movement, Muqtada Al-Sadr [File photo]

Waa Kuma Muqtada Al-sad, Warbixin- by Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

Baghdad(ANN)-Wadaadka Reer Ciraaq ee caanka ah Muqtada Al-Sadr ayaa xidhay Akoonkiisa Facebook Jimcihii, isagoo ku qoray “nabad gelyo” daaha madow ee bogga warbaahinta bulshada, sidaa waxa baahisay warbaahinta MEMO, oo soo xiganaysay Wakaalada Wararka Anadolu Agency.

Tallaabadan ayaa dhalisay inay soo baxaan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Al-Sadr “uu ka noqday siyaasada” isagoo ka jawaabaya heshiis dhex maray xisbiyada siyaasadeed ee ku saabsan musharraxiinta raii’sal wasaaraha ee Mohammed Shia Al-Sudani, oo ay taageerayaan kooxo ku dhow xukuumadda Iran.


Al-Sadr wuxuu kaloo beddelay sawirkiisii muuqaalka ahaa, kaasoo ahaa Aabihii Mohammad Sadeq Al-Sadr, oo sidoo kale ahaa hoggaamiye diimeed oo awood ku lahaa mad-habta shiicada, wuxuuna ku qoray sawir xaggiisa danbe oo madow ah dunidana ‘xidhan’ .

Goor sii horeysay, Al-Sadr ayaa labo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu ka soo horjeedo musharaxnimada Al-Sudani, oo hore u ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Ciraaq.


Dhinaca kale, Muqtada Al-Sadr Akoonka uu ku lahaa Twitter-ka, aya wali furan, dalka Ciraaq waxaa ruxay mudaaharaadyo ballaadhan tan iyo horraantii Oktoobar, kuwaas oo dhashay xaalada nolosha oo liidata iyo musuq-maasuq lagu eedeeyay Xukuumadda, waxayna khasab ka dhigeen Mudaharaadyadu inuu is casilo Ra’iisal wasaare Adel Abdul-Mahdi.

Sida laga soo xigtay Guddiga Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Ciraaq, ugu yaraan 460 reer ciraaq ah ayaa la diley 17,000 oo kalena waa la dhaawacay tan iyo markii mudaaharaadyadu ka bilaabmeen dalka bishii Oktoobar ee 2019.


Aabihii wuxuu ka mid ahaa culimada shiicada ee ugu awoodda badan Ciraaq dabayaaqadii 1990s. Ayatollah Mohammed Baqir al-Sadr, wuxuu sidoo kale ahaa hoggaamiye u ololeeya Shiicada, waxaana xilligaa si kadis ah u dilay isaga iyo laba wiil uu dhalay ciidamadii Saddam Hussein 1980.


Muqtada Al-Sadr oo soo shaacbaxay xilligii Saddam Hussein ay xukunka ka tuureen xuladii Maraykanka, wuxuu qayb weyn ka qaatay dilkii Hoggaamiyihii hore ee Saddan Hussein, iyadoo si lama filaan ah loo deldelay maalin ciid ah, waxaana si weyn looga cadhooday si weyn dunida Muslinka, gaar ahaan suniyiinta oo u arkayay in aanu dilkiisu ahayn md loo maray maxkamad sharci ah iyo garsoor cadaalad ah, isla markaana lagu beegay maalin farxadeed.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post