X
    Categories: Warar

Cisbitaalka Ciiddanka Qaranka Somaliland Oo La Dhagax Dhigay

Cisbitaalka ciiddamada Qaranka Somaliland oo la dhagax dhigayo.

 

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo weheliyaan Wasiirka Horumarinta Maaliyada iyo taliyaha Ciiddanka Qaranka, ayaa  si wadaj jir ah u dhagax dhigay cisbitaalka ciiddamada  oo saaka si rasmi ah loo dhagax dhigay. kaas oo noqon doona mid wax weyn ka taraya baahiyaha xaga caafimaad ee ciidamadda qaranka.

Taliyaha Ciiddanka Qaranka Somaliland Nuux Taani

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay taliyaha Ciiddanka Qaranka  Somaliland Nuux Ismaacil Taani oo ku dheeraaday u baahida loo qabo in la kor-dhiyo cisbitaalka ciiddanka  qaranka oo ah mid wax badan ka taraya kor u qaadida xaaladaha caafimaad ee Ciiddanka qaranka waxaanu xusay in ay ka ciidan ahaan soo dhawaynayaan cisbitaalkan cusub ee maanta la dhagax dhigayo.

Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Wasiirka horumarinta Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi oo sheegay ka maaliyad ahaan mar walba ay garab taagan yihiin wax kasta oo kor u qaadaya horumarinta Ciidamadda  kala duwan ee qaranku leeyahay waxaanu sheegay in cisbitaalkana ay wax badan ku kordhinayaan gaar ahaan dhismaha iyo balaadhinta oo joogto noqon doonta taasi oo horseed u noqon doonta in laga maarmo cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo Ciidamadda  kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Gaashaandhigga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(XAWAR) oo sheegay in hamigiisa iyo bilawga qorshihiisa koowaad uu ka mid ahaa sidii loo balaadhin lahaa Cisbitaalka ciiddanka Qaranka oo ah mid baahi weyn loo qabo si loo dhawro daryeelka Ciiddanka , kaasi oo saaka uu si rasmi ah u dhagax dhigay waxaana uu sheegay in uu yahay mid xukuumadu qayb laxaad leh ka qaadan doonto.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post