X
    Categories: Warar

Daacish Oo Sheegatay Weerrar Wiil Dhalinyaro Oo Soomaali Ah Sagaal Qof Ku Tooreyeeyay Maraykanka Iyo Aabaha Dhalay Wiilkaa Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Minnesota(ANN)Nin mindi ku weeraray dad wax ka iibsanayay suuq wayn oo ku yaalla gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in uu ahaa magaciisu Daahir Adan oo ahaa 22 jir arday ah.

Aabihii oo magaciisu yahay Axmed Aadan ayaa wargeyska Minneapolis ka soo baxa ee Star Tribune u sheegay in Dahir oo ahaa wiil Soomaali ah uu ku dhashay Kenya, balse 15-kii sano ee la soo dhaafay uu ku noolaa Maraykanka.

Aabaha dhalay wiilkaa Wuxuu sheegay in waligii aanu ku tuhmin in uu ku lug lahaa falal xag-jirnimo.

Hase yeeshee Booliiska ayaa ku wargeliyay Axmed in wiilkiisa la toogtay, kaddib markuu tooriyeeyay sagaal qof.

Ma jiraan wax caddaymo ah oo muujinaya sababtii ku kaliftay in uu dadka ku tooriyeeyo magaalada St. Cloud oo 100 km u jirta magaalada Minneapolis. ee ka mid ah magaalooyinka ay Soomaalidu ugu badantahay, waxayna si weyn u cambaareeyeen falka uu ku kacay Daahir.

Dhinaca kale Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ee ISIS, ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna intaas ku dartay in mid ka mid ah askartooda uu weerarkaa geystay.

Ilaa hadda masuuliyiinta amaanku si rasmi ah uma xaqiijinin aqoonsiga shaqsigii weerarka gaystay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post