X
    Categories: Warar

DAAWO: Jaalliyadda Somaliland ee Sweden Xuska 18 May 2016

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) Jaalliyadda Somaliland ee dalka Sweden ayaa ku qabtay bannaanbax aad u ballaadhan magaalada caasimadda Sweden ee Stockholm 18 May 2016.
Bannabaxan oo lagu qabtay xarunta Baarlamaanka Sweden horteeda. Waxa
ka soo qaybgalay bannaanbaxan lagu taageerayay qadiyadda
madaxbanaanida JSL dhammaan jaalliyadaha kala duwan ee Somaliland ee
ku dhaqan gobollada iyo magaalooyinka dalka Sweden. Waxa la hadlay
warbaahinta Gudida Jaalliyadda Somaliland ee Sweden iyo qaarka mid ah
masuuliyiinta Dallada Isku Xidhka Jaalliyadaha Somaliland ee Europe
(SSE) kuwaasoo dhiirrigeliyay doorka qurbajooggu ka qaadanayo
qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland iyo inay sidan wadaniyadda leh
uga jawaabayaan baaqii uga yimi Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
xukuumadda Somaliland.

Dhinaca kale, Gudida Jaalliyadaha Somaliland ee Europe (SSE) ayaa u
gudbiyay qoraal rasmi ah oo lagaga codsanayo dawladda Sweden
aqoonsiga Somaliland Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden Margot walström
iyo Gudoomiyaha Arrimaha Dibadda ee Baarlaamnka Sweden Kennet
Forslund. Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa
sheegtay inay dalabka jaalliyadda Somaliland Sweden horgayn doonto
baarlamaanka dalka Sweden.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post