X
    Categories: Warar

Dadka U Ololeeya Xuquuqaha Bulshada Madaw oo Hakad Geliyey Duulimaadyadii Madaar ku Yaal Caasimadda London

Araweelo News Network
London(ANN)Kumanaan ka mid ah Dadka u ololeeya xuquuqda Bulshada madow, ayaa hakad geliyey duulimaadyadii madaar ku yaal caasimadda Ingiriiska ee London muddo lix saacadood ah, kadib markii ay mudaharaad ka dhex sameeyeen.

Koox dad ah oo isku magacaabay inay u ololaynayaan nolosha dadka madow, ayaa mudaharaad ay abaabuleen ku galay madaarka la yidhaa London City Airport, kadibna isku dhex silsiladeeyey, taas oo keentay in muddo lix saacadood ah oo lala tacaalayey ka saarista madaarku ay joogsadeen in ka badan 120 duulimaad oo ka hawlgali lahaa madaarkaasi.
Kooxdan oo mudaharaadkooda bilowday 5:30 am subaxnimo ee Salaasadii shalay waxa la soo afjaray in boolisku ka furfuro silsiladihii ay isku xidhxidheen abbaaro 11:30 am maalinimo, iyadoo muddadaasi duulimaadyadii ka duuli lahaa ama soo degi lahaa madaarka laga dhigay wax la joojiyey iyo in meelo kale loo duway. Waxaanna ciidanka ammaanku xabsiga u taxaabeen ilaa sagaal qof oo ka mid ah dadkii mudaharaadka dhigayey.
Kooxdan ayaa qoraal ay ku baahisay Twitterka ku sheegtay in sababta mudaharaadkoodu tahay saamaynta tacadiga lagu hayo dadka madaw ee ku nool dalka Ingiriiska, “Dadka madow waa kuwa u horreeya ee dhinta, maaha kuwa u horreeya ee duula (diyaaradaha raaca) marka la eego xaaladdan qalalaasaha cimilada cunsiyadda ah. Marka dadka madow ee dalka Ingiriisku yihiin boqolkiiba 28% intooda badan waxa lagu sii daayaa hawada wasakhaysan marka loo eego dhiggooda caddaanka ah, waxaannu ognahay caddaalad-darrada ka jirta deegaanku inay tahay dhibaato cunsuriyeed,” ayey kooxda mudaharaaday ku yidhaahdeen qoraal ay soo saareen.
Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa noqotay in dhabbaha madaarkan oo ay ku wareegsan yihiin biyo xayndaab u ahi ay kooxda mudaharaadka samaysay gudaha ugu soo galeen dabbaal ay kaga soo gudbeen biyahaasi, taasina waxay keentay in wax la iska waydiiyo sugnaanshaha ammaanka madaarkan oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan ee Ingiriiska.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post