X
    Categories: Warar

Dagaal Culus oo Ciidammada Puntland iyo Al-shabaab ku Dhexmaray Duleedka Boosaaso

Araweelo News Network

Ciidamada Puntland oo kusii jeeeda deegaanka Siiji

Boosaaso (ANN)- Dagaal aad u culus oo khasaare badan dhaliyey, ayaa ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ku dhexmaray gaaray degaan lagu magacaabo Af-urur oo ku yaal Gobol-xeebeedka Bari saqdii dhexe ee habeennimadii Isniinta.
Dagaalka saacado kooban socday ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof oo dhinacyada dagaallamay ah.
Guddoomiyaha degaanka Af-urur Mr. Maxamed Geeddi Saalax oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da shalay, ayaa sheegay in ciidammada Puntland dagaal aad u xooggan oo muddo saacado ah socday la galeen dagaalyahannada Al-shabaab oo weerar culus ku soo qaaday degaankiisa.
‘’Aad baa leysaga caabiyey weerarka Al-shabaab oo ciidammo iyo shacab looma kala hadhin, waxaanay weerarka soo qaadeen saqdii dhexe ee xalay [habeen hore], iyadoo ujeedadooduna ahead in ay dadka dhibaateeyaan ‘’ ayuu yidhi Mr. Geeddi.
Waxa uu intaa ku daray, inay dagaalkaas ku dileen afar ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.
Degaanka Af-urur oo ciidanka maamulka Puntland saldhig weyn ku leeyihiin waxa uu qiyaastii 70km dhinaca galbeedka xigaa magaalo-xeebeedda Boosaaso.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post