X
    Categories: Warar

Dambibaadhayaasha Maraykanka Oo Helay Ogolaansho Si Ay U Baadhaan Haweenay Kaaliye U Ah Hillary Clinton

Araweelo News Network
Washington(ANN)Dambi baadhayaasha Mareykanka, ayaa helay ogolaansho maxkamadeed oo ay ku baadhi karaan kumannaan email oo ay leedahay Haweeney kaaliye sare u ah Hillary Clinton.

Jimcihii ayuu madaxa FBI-da Mareykanka, James Comey, waxa uu ku dhawaaqay in uu dib u bilaabayo baadhitaankii ay ku hayeen sida ay Mrs Clinton u isticmaashay emailkeeda gaarka ah markii ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Hogaamiyaha Xisbiga Dimuqraadiga ee ka tirsan Sanate-ka Maraykanka, ayaa sheegay in ay suurto gal tahay in FBI-du sharciga jabisay maadaama oo ay shaaciyeen in hay’adda baadhistu bilowday baadhitaan ay ku hayso emaillo ay suurto galtahay in lala xidhiidhin karo Hillary Clinton.

Harry Reid, ayaa ku eedeeyay agaasimaha FBI-da, James Comey, in uu ku xadgudbay sharci saraakiisha dowladda ka horjoogsanaya in ay qaadaan tallaabo saamayn ku yeelan karta doorashada.

Warka ku saabsan in FBI-du bilowdo baadhitaan ayaa soo baxay, iyadoo laba todobaad wax ka yari ka hadhsanyihiin doorashada Maraykanka.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in FBI-du heshay fasax maxkamadeed oo ay ku baadhayaan emaillo badan oo ay lahayd Haweenay kaaliye sare u ahayd Clinton.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post