X
    Categories: Warar

Daraasado Lagu Samaynayo Waxyeellada Degaan iyo Dhaqaale ee Dhaamka Ethiopia ku Keenayo Webiga Niilka

Araweelo News Network

Dawladaha Masar, Sudan iyo Itoobiya, ayaa bilaabay daraasado ku saabsan saamaynta degaan iyo dhaqaale ee uu ku yeelanayo dhaam $4 bilyan oo dollar ku baxay oo Itoobiya doonayso in ay ku manaafacaadsato webiga biyaha Niilka.
Dhaamkan oo ah ka ugu weyn Afrika ee tamar laga dhaliyo, ayaa Itoobiya doonaysaa in ay ka hesho 6,000 megawatt, waxaannu ku yaal meel u dhaw xuduudda dalkaasi la wadaago Suudaan, iyadoo ay dhistay shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo la yidhaa Salini Impregilo SpA, waxaannu si dhab ah u dhammaystirmayaa sannadka soo socda.
Dhismaha dhaamkan waxa uu noqday mid xaalad xasaasi ah ka dhex abuur dalalka Itoobiya iyo Masar. Waxa ay Masar aad isugu hallaysaa biyaha Nile oo ay beeraha, warshadaha iyo nolosha dadkeedaba u kaafiso, waxaanay aad uga walaacsan tahay in dhaamka Itoobiya uu waxyeellayn doona qulqulka biyaha oo bulshooyinka isticmaal aad u kordhayaan.
Itoobiya waxa ay marar badan ka cabatay in Masar dalalka deeq-bixiyayaasha iyo qadhaan bixiyayaashaba ku dirqido in ay dakhligooda haystaan oo aanay mashruuca dhaamka gelin.
Haddaba, si murankaas loo soo afjaro, loona ogaado waxyeellada iyo faa’iidada dhaamkan ayaa Sudan, Masar iyo Itoobiya isku raceen in daraasado 11 bilood qaata lagu sameeyo waxyeelada degaan iyo dhaqaale ee dhaamkaas keeni karo. Waxa ay saddexda hoggaamiye ee dalalkan saxeexeen heshiis Khartuum lagu galay sannadkii hore oo wadda u xaadhay in si wada jir ah biyahaas loo qaybsado.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post