X
    Categories: Warar

Dawlada Somalia Oo Maxkamadda Aduunka U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Dawlada Kenya

Muqdisho(ANN)Xukuumadda Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maxkamadda Aduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah dawlada Kenya, taas oo la xidhiidha muranka ka taagan xadka dhinaca Badda.

xeerilaaliyaha guud ee dawlada Somalia I yo qareeno ka soda dawlada Somalia oo ku sugan Maxkamadda Caalamiga ah, ayaa sheegay ka hor intii aanay todobaadkan ka anbabixin magaalada Muqdisho Inay gudbinayaan dacawada ka dhanka ah dawlada Kenya.

Somalia I yo Kenya ayaa ku muransanaa xadka u dhexeeya labada deal ee dhinaca Badda tan iyo makii ay burburtay dawladii Somalia, iyadoo dawlada Kenya damaaciday xeebta dhinaca Badda ee Somalia oo lagu tilmaamo inay ku jiraan Shidaal kaddib markii shirkado shisheeye baadhitaan ku sameeyeen halkaa.

Dhinaca kale Kenya ayaa dhowaan soo bandhigtay qorshe ay doonaysay in gidaar lagaga sameeyo xadka u dhexeeyay Somalia ee dhinaca Beriga, kaas oo lala xidhiidhiyay inuu yahay mid ay Kenya ku doonay inay ku boobto dhulka Soomaalida, maadaama anaay jirin dawlad awood leh oo ka dhisan Somalia.

Kenya waxay ka mid tahay dalalka Cidamadu ka joogaan Somalia, waxaana suurta gal ah I nay joogitaanka ciidamadooda uga faa,idaystaan qorshayaasha an ku doonay I nay ku boobto dhulka I yo Badda Somalia.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post