X
    Categories: Warar

Dawladaha Imaaraadka iyo Baxrayn oo soo saaray Digniin Layaab ku Noqotay Maraykanka

Araweelo News Network

Dubai(ANN)Dawladaha Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, ayaa muwaadiniintooda uga digay inay u safraan dalka Marayanka oo ay ka socdaan mudaharaado rabshado wata.
Gobollo badan iyo magaalooyinka waawayn ee dalka Maraykanka, ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey waxa hadheeyey mudaharaadyo ay dhigayaan dadka madowga ahi kadib markii rag boolis caddaan ahi toogteen laba nin oo madow muddo 48 saacadood ah, taas oo keentay weerraro aargoosi lagu khaarajiyey shan askari oo boolis ah, isla markaana ay meelo kala duwan isku dhacaan dad madow ah iyo ciidammada ammaanku.
Haddaba, Safaaradda dawladda Imaaraadku ku leeyahay Maraykanka, ayaa digniin ay soo saartay ku boorisay muwaadiniinteeda in aanay iman oo ay dibadda ka joogaan mudaharaadyada ka socday magaalooyinka Maraykanka.
Wakaaladda wararka dawladda Imaaraadka oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa sheegtay in digniintani daba socoto mudaharaadyada lagu taageerayo nolosha dadka madow kadib markii la dilay rag madow toddobaadkan.
Sidoo kale, dawladda Boqortooyada Baxrayn, ayaa iyaduna farriin talo ah oo ay muwaadiniinteeda ugu baahisay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Twitter waxay ugu sheegtay in ay ka taxadiraan mudaharaadyada iyo goobaha buuqu ka jiro ee magaalooyinka Maraykanka.
Dhawaaqan baaqyada ah ee ka soo baxay Imaaraadka iyo Baxrayn, ayaa noqotay mid fajac iyo anfariir ku riday dawladda Maraykanka iyo adduunka, maadaama sida caadada noqotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka uun looga bartay in ay si joogto ah u soo saarto digniino socdaalka la xidhiidho oo ay siiso muwaadiniinteeda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post