X
    Categories: Warar

Dilalka Shirqooladda Muqdisho Oo Haweenka Lagu Bar-tilmaameedsanayo

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Dabley hubaysan, ayaa saaka degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho ku toogtay gabadh la oran jiray Fawsiyo Jamaal Xasan.

Kooxda Dableyda oo aan habtooda la aqoonsan oo watay Mooto ayaa weerarray Fawsiyo Jamaal Xasan oo ku geeriyootay tacshiirado rasaas ah oo dableydu la beegsatay, iyadoo ay goobtaa ku dhaawantay gabadh ay walaalo ahaayeen marxuumada oo la yidhaahdo Shankaroon Jamaal Xasan.
Labada gabdhood ayaa shaqaale nadiifiyayaal ah ka ahaa mid kamid ah xarumaha hay’adaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho, waxayna Xilliga la weeraray gabdhahaasi a
u socdeen goobtooda shaqada iyagoo la socday mootada Bajaajka loo yaqaan, halkaasi oo sidoo kale uu ku dhaawacmay darawalkii Bajaajta.
Sidoo kale waxa Xalay degmada Hodan rag hubeysan ay gurigeeda ku hor toogteen haweeyney la odhan jiray Cibaado Cagla oo da’deeda lagu sheegay dhawr iyo todobaatan jir.
Haweenayda Cibaado ayaa waxa ay ka tirsanayd waaxda wacyigelinta ee degmada Hodan, mana jirto Illaa hadda çid sheegatay dilka loo gaystay haweenkaasi,
Magaalada Muqdisho oo caan ku ah dilalka qorshayan iyo weerarrada qaraxyada, kuwaas oo dhawaanahan sii kordhayay, balse dilalka haweenka ayaa ahaa kuwo aan intake baddan dhicin, iyadoo dilalka qoryshaysan iyo qaraxyada intooda badan ay sheegtaan Xarakada Al-Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamadda AMISOM ee taageera kuwa dawlada Somalia.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post