X
    Categories: Warar

Donald Trump Oo U Magcaabay Garsoore Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Iyo Doodaha Ka Taagan

Araweelo News Network

Washington (ANN)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u magacaabay Neil Gorsuch in uu xubin ka noqdo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka.

Ninka uu magcaabay oo ah 49 jir ah, ayaa garsoore ka ahaa maxkamad racfaan oo heer federaal ah taasoo ku taalla magaalada Denver ee gobolka Colorado.

Haddii uu Aqalka Senate-ka u ansixiyo xilkan, ayaa waxa uu buuxin doonaa booska uu banneeyay xaakim Antonin Scalia oo geeriyooday sanadkii hore.

Xaakim Neil Gorsuch ayaa u baahan ansixinta Aqalka Senate-ka, ayadoo xubnaha dimuqraadiga ah ee ka tirsan golahaasi ay wacad ku mareen in ay horjoogsanayaan musharrax kasta oo muxaafidnimadu ku dheertahay.

Mr Gorsuch ayaa u baahan in uu helo codka 64 senator si aqlabiyad loogu ansixiyo. Madaxweyne Trump ayaa ugu baaqay labada dhinac ee golahaasi in ay taageeraan xaakimka uu magcaabay.

Waxa uu noqonayaa xaakimkii ugu da’da yaraa ee muddo 25 sano ah loo xusho in uu qeyb ka noqdo maxkamadda ugu saraysa Maraykanka.

Xaakim Gorsuch ayaa ah nin ay doorbidayaan Jamhuuriyiin badan, kuwaasoo doonaya in sharciga loo raaco sida uu yahay.

Waxa uu aaminsan yahay in dastuurka Maraykanka loo raaco si la mid ah sidii ay u raaci jireen raggii asaasay dalka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post