X
    Categories: Warar

EThiopia: Qarax Gilgilay Fagaare Uu Ra’iisal Wasaare Abiy Kala Hadlayay Malaayiin Qof Caasimada Dalkaa

Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaare Abiy oo ka hadlaya goobta qaraxu ka dhacay oo lagu xidhay muraayad

Addis Ababa(ANN)-Qarax weyn, ayaa gilgilay goob fagaare ah oo Ra’isal wasaaraha Dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed  kala hadlayay malaayiin qof oo isugu soo baxay fagaarahaa oo ku yaal Caasimada Dalka  ee Addis Ababa.

Ethiopian security forces intervened on Meskel Square after the blast at the rally [Dereje Berhanu/Al Jazeera]

Qarax ayaa dhacay xili dadku si fiican u dhegeysanayee qudbada Ra’iisal Wasaare Abiy uu kaga hadlayay isbedeladiisa siyaasadeed iyo qorshayaashiisa cusub ee uu doonayo Inuu Dalka ku hoggaamiyo.

Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia, ayaa deg deg looga qaaday goobtaa qaraxu ka dhacay, waxaana qaraxu sababay khasaare dhimasho oo ugu yaraan dhawr qof ah, halka ugu yaraan 144 dhaawacyo  soo gaadheen oo la geeyay cusbitaalada sida uu xaqiijiyay Solomon Ali oo ka tirsan hay’adda Ethiopian Red Cross Society, waxaana inta badan dadka dhaawacu soo gaadhay markii ay is jiidheen.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo markaa kadib hadlay xafiiskiisa, wuxuuna dadka kala hadlay Tlefishanka Dalka Ethiopia, isagoo canbaareeyay qaraxaa, wuxuuna ku tilmaamay mid ay soo abaabuleen kuwo uu ku tilmaamay Inay kasoo horjeedaan horumarka nabada Iyo midnimada Ethiopia.

Qaraxa, ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy isbedel siyaasadeed ku sameeyay Siyaasada Dalka ee gudaha iyo dibadda, isagoo meesha ka saaray cadaawadii mudada dheer u dhaxaysay Dalka Ereteria oo hore uga goostay Ethiopia, Isla markaana dagaal kumanan qof ku dhinteen ku dhexmaray sagaashanadii xadka ay wadaagaan, waxaana goobta qaraxu ka dhacay markiiba la geeyay Ciidamadda Amaanka.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post