X
    Categories: Warar

Farmaajo Iyo Abiy Oo Ka Wada Hadlay Khilaafka Soomaaliya Iyo Kenya Iyo Sidoo Kale Somaliland Iyo Soomaaliya

Addis Ababa(ANN)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa ka wada hadlay muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca Badda. Kadib markii Madaxweyne Farmaajo oo galinkii hore ee maanta tagay Addis Ababa.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku leeyahay Twitterka ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Abiy ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga amni iyo nabadgelyo ee dalalka Geeska Afrika iyo sidoo kale xoojinta xidhidihka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa kale sida lagu sheegay qoraalka laga wada hadlay  sii wadida heshiisyada labada dhinac ee horumarinta dekedaha, sidoo kale kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, waxa lagaga hadlay xidhiidhka Soomaaliya iyo Somaliland.

“labada dal waxa ay isku hayaan waa arinta Badda, Soomaaliyana mooqifkeedu waa mid cad, oo aan lahayn wax gabasho ah oo aanay ku jirin mugdi, wixii sharciga horyaalana waa sida loo hor dhigay, waana mowqif aan laga laabanayn,” ayuu yidhi wasiiru dowlaha arrimaha dibada ee Soomaaliya oo ka hadlay arrinta Kenya iyo Soomaaliya ee dhinaca Badda.

Dhinaca kale,  waxa lagu sheegay war laga soo saaray madaxtooyadda Soomaaliya in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Abiy Axmed si wadajir ah caawa ugu safrayaan magaalada Nayroobi.

Agaasimaha xafiiska warfaafinta ee madaxweynaha Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in labada mas’uul ay berri kulan kula yeelan doonaan madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxana la filayaa in saddexda hoggaamiye ka wada hadli doonaan “in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post