X
    Categories: Warar

Gaalkacayo: Khasaaraha ka Dhashay Dagaal Mar kale Dib Uga Qarxay Maamulada Puntland Iyo Galmudug

Araweelo News Network

Gaalkacayo(ANN)Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaallo culus oo maanta markale dib uga qarxay xaafado katirsan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ugu yaraan 29 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaallamay ayaa lagu dilay dagaal culus oo maanta siyaaba kala duwan uga dhacay xaafado katirsan magaalada Gaalkacyo.

Wariyaal ku sugan gobolka Mudug ayaa soo sheegay in dagaalkii in dhowr saldhig oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Galmudug ugacan galay dhanka Puntland.

Ilo wareedyo lagu kasoonyahay waxay sheegayaan in gaadhi nooca dagaalka ah laga qabsaday maleeshiyaadka maamulka Galmudug.

Goobaha caafimaadka Gaalkacyo ayaa la dhigay dhaawacyo ka badan 35 qof oo dhammaantood ku waxyeeloobay dagaalladii maanta.

Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabsi qaba in berri dagaallo culus ay markale marti geliso magaaladooda sababa la xidhiidha khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta.

Afhayeen u hadlay maamulka Koonfurta Gaalkacyo ayaa dhanka Puntland ku eedeeyay in ay weerarka kusoo qaadeen ciidamadooda isagoo diiday in uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo khasaaraha dhankooda soo gaadhay.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka Puntland oo ku aaddan dagaalkii maanta.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post