X
    Categories: Warar

Go’aamo Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiirradda Somaliland

Araweelo News Network

Golaha wasiiradda Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii siddeedaad (8aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12.04.2018, ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

Shirkaasina waxa lagaga dooday qodobbo ay ka mid ahaayeen amniga, maalinta qaran ee loo asteeyey dhiraynta Somaliland iyo arrimaha maamul daadejinta gobolada iyo degmooyinka.

Dood-dheer ka dib waxa shirka ka soo baxay saddex qodob oo muhiim ah:

1. In la xakameeyo isla markaana xal-waara laga gaadho xurgufaha iyo aannooyinka soo noq-noqda ee beelaha qaarkood dhex mara, iyadoo loo marayo nidaamka dawladnimo

2. In la xoojiyo mudnaantana la siiyo sidii loo horumarin lahaa muhiimada ay leedahay maamul daadejinta gobolada iyo degmooyinka dalka oo ah mid ahmiyad weyn u leh dhismaha qaranka.

3. In loo diyaar garoobo maalinta dhiraynta Somaliland ee 15-April oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wareegto ku muddeeyey, loogana qayb-qaato si mug leh shacbi iyo xukuumadba maalintaasi oo ku beegan Axada fooda inagu soo haysa.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post