X
    Categories: Warar

Go’aamo Ku Waajahan Sarifka Dollarka Oo Kasoo Baxay Kulan Deg Deg Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Golihiisa Wasiirada

Araweelo News Network

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi cabdi


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kulan aan caadi ahayn oo deg deg ah isugu yeedhay golihiisa wasiiradda maanta.

Kulankaa oo saacado badan qaatay, waxa laga soo saaray goโ€™aamo si weyn wax uga taraya qiimaha dolarka ee cirka isku shareeray iyo qiima dhaca ku yimi lacagta Somaliland xiligan.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharaxay goโ€™aamada kasoo baxay shirkaa iyo tallaabooyinka ay xukuumad ahaan qaadayaan ee ku waajahan arrimaha sarifka dolarka ee kacay iyo qiima dhaca ku yimi lacagta Somaliland.

Goโ€™aamada waxa qayb ka ah kuwo ku waajahanA deegyada lacagaha laysugu diro ee Zaadka iyo e-Dahabka.

Halkan ka Daawo Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo sharaxaya arrimahaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post