X
    Categories: Warar

Golaha Deegaanka Ee Boorama Oo Maayir Cusub Doortay Kadib Markii Xilka Laga Qaaday Maayarkii Hore

 

Boorama(ANN)-Golaha deegaanka Magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal, ayaa doortay Maayar Iyo Mayaar ku xigeen cusub. Kadib markii ay saaka yeesheen fadhi aan caadi ahayn, iyadoo fadhigaa xilka lagaga qaaday maayarkii hore Maxamed Xuseen Maydhane oo xilkaa hayay tan Iyo dabayaaqadii 2015.

Tartan adag ayaa dhexmaray Maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo ku xigeenkiisii hore Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste), oo ku loolamay xilkaa, waxaana ku guulaystay maayarka cusub ee Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo Hal cod kaga badiyay Xildhibaan Dheerayste.

Fadhigan saaka xilka lagaga qaaday Maayarka, Isla markaana lagu doiranayay Maayarka cusub. waxaa kasoo xaadiray labaatan xildhibaan, iyadoo uu maqnaa xildhibaan keliya.

Wasiir Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye iyo Badhsaabka Gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa goob joog ka ahaa fadhiga golaha deegaanka Boorama, waxaana fadhigaa xilka lagaga qaaday Maayarkii hore, Isla markaana lagu doortay Maayarka cusub lala xidhiidhiyay kadib markii Hanti dhawraha Somaliland uu baadhitaan ka waday halkaa maalmihii u danbeeyay. Iyadoo xilka qaadistiisa lala xidhiidhiyay natiijada baadhitaankaa Hanti dhawrka guud ku saneeyay xafiiskiisa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post