X
    Categories: Warar

Golaha Guurtida Oo Guddi U Saaray Muddo Kordhinta Golayaasha xukuumadda Iyo Golayaasha Deegaanka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Gollaha Guurtida Somaliland, ayaa Gudi u Saaray sidii laysu waafajin Lahaa mudda-kordhinta Gollayaasha Qaranka ee ku Waajahan Doorashooyinka iyo Xaallada Abaaraha ee Dalka Ka taagan.

Xubnaha Guddida Gollaha guurtidu u saaray maanta inay Soo qiimeeyaan Xaallada dhinaca Abaaraha baahsan ee ka Jira Dalka iyo muddo-xileedyada dhmaanaya ee Madaxtooyadda, Labada gole ee Baarlamaanka Guurtida Iyo Wakilada Iyo sidoo kale muddo xileedka Golayaasha deegaanka Oo dhamaanaya, iyadoo ay dib u dhaceen dorashooyinkii la filayay inay Somaliland Ka qabsoomaan.

Guddida Golaha guurtidu u Saaray inay Soo dersaan Arrimahaa oo Ka kooban 21 cub nod, la filayaa inay maalmaha Soo Socda Golaha kusoo war celiyaan si uu go,aan uga gaadho arrimaha muddo-kordhinta Golayaasha Xukuumadda Iyo Golayaasha deegaanka.

Sadexda xisbi Qaran, ayaa hore ugu gudbiyay Gollaha Guurtida in Doorashooyinka Madaxtooyadda dib Loo dhigo muddo Lix Bilood ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post