X
    Categories: Warar

Guddiyada Golaha Wakiillada Oo Lagu Wargeliyay Inay Xog-warran Buuxa La Yeeshaan Xubnaha Golaha Wasiirada Cusub Somaliland

Araweelo News Network

Golaha Wasiiradda Xukumadda Muuse Biixi

 

Hargeysa (ANN)- Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa faray guddi-hoosaadyada golaha inay u yeedhaan, isla markaana xog-warraysiyo buuxa la qaataan dhammaanba xubnaha Golaha Wasiirrada xukuumadda Somaliland.

Sida ku cad qodobbada 53aad iyo 94aad ee dastuurka Somaliland, waxa waajib ah in Golaha Wakiillada loo soo gudbiyo xubnaha Golaha Wasiirrada ee Madaxweynuhu magacaabo, waxayna mudanayaasha Wakiilladu awood dastuuri ah u leeyihiin inay cod ku oggolaadaan ama ku diidaan xubnaha wasiirrada, kadib marka ay qiimayn ku sameeyaan shuruudaha laga rabo in qofka wasiirka ah buuxiyo.

Haddaba, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo shir-guddoominayey fadhigii golaha  , waxa golahooda loo soo gudbiyey CV-yada xubnaha Wasiirrada iyo Wasiir-ku-xigeennada ee xukuumadda cusub, iyadoo qoraalka CV-yadaas lagu wareejiyey guddi-hoosaadyada golaha wakiillada oo qiimayn ku soo samayn doona, kadibna xogtooda dib ugu soo celinaya shirguddoonka maalinta Khamiista ee toddobaadkan, haddii Ilaahay yidhaah.
“Dhammaanba CV-yadii xubnaha Golaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey guddi-hoosaadyada Golaha Wakiillada, waxaanna la soo dhammaystirayaa Khamiista oo aad u soo gudbin doontaan shir-guddoonka, wasiir walbana waa in la mariyaa oo loo yeedhaa, xog-warraysina (interview) la geliyaa oo aad waajibaadkiina ka gudataan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay 23 wasiir iyo 9 Wasiir-ku-xigeenno ah, kuwaasoo maamulkooda lagu saleeyey 23 wasaaradood oo ka jira dalka Somaliland, kuwaasoo kala ah;
1) Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,
2) Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
3) Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
4) Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
5) Wasaaradda Arrimaha Gudaha
6) Wadaaradda Gaashaandhigga
7) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
8) Wasaaradda Caddaaladda
9) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
10) Wasaaradda Horumarinta Beeraha
11) Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyaynta
12) Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
13) Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
14) Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska
15) Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
16) Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga
17) Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
18) Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
19) Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga
20) Wasaaradda Horumarinta Biyaha
21) Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta
22) Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
23) Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post