X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Somaliland Ka Codsaday Inay Meel Mariyaan Xeerar Lagu Xakamaynayo Xawaaladdaha

Araweelo News Network

Giddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cabdullaahi Xaaji Jaamac Cali

Hargeysa(ANN)Xeerkan waxa keentay baahi markii dalkii Somalia ay ka dilaaceen argagixiso iyo budhacad badeed, waad ogaydeen oo waxa la xidhay Xawaaladdo badan, waxaana lasoo saaray sharci cusub oo lagu kaantaroolayo lacagahaa,iyadoo dawladaha waaweyn iyo Hay’addaha caalamiga ah si cad u sheegeen in aanay la shaqaynayn dalka aan fulin shuruucda cusub ee lagu kaantaroolayo lacagaha oo loo arkay inay khatar yihiin” sidaa waxa yidhi, Giddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cabdullaahi Xaaji Jaamac Cali oo golaha wakiiladda kala hadlayay xeerarka loo baahanyahay inay meel mariyaan iyo baahida loo qabo.
Wuxuu sheegay in Xeerkaa ay wadaan oo ka kooban 36 qodob, ay curintiisa iyo taladiisaba qayb weyn ku lahaayeen, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Cadlaadda, Ciidanka amaanka iyo sharciyaqaano.
Xawaaladdaha dalka, isla maraana Xeerkaa oo la yagleelay sanadkii 2014, balse markii la bilaabay la ogaaday in sharcigeena Ciqaabtu oo aan waafaqsana lacagaha meelahaa lasoo mariyo, laakiin qodobo sharcigeena ah la waafajiyay, qodobwalibana uu leeyahay ciqaab ka dhalanaysa, sidaa awgeed uu yahay Xeer saamaynaya siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo cid walba, balse aanu ahayn Xeer cid gaar ah ku kooban.
“Dhaq-dhaqaa walba oo lacageed, waa in warbixintiisa la helaa, haddii kale waxay noqonaysaa denbi,
Waxa alla wixii (transaction) dhaq-dhqaaq xisaabeed ah waa lasoo gudbinayaa warbixintooda, cidii soo gudbin weyndaana waa denbiile, Xawaaladeheenu sharci malaha waxan doonaynaa in Xeerkii Xawlaadaha la meel mariyo oo goluhu ka doodo, waxa la sameeyay kaadhka aqoonsiga oo wax weyn ayu ka taray dadka lacagta loo soo xawilayo, waxaana Xawlaaladaha lagu amray in aan lacag la siin qof aan aqoonsigaa sidan.” Ayuu yidhi, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cabdullaahi Xaaji Jaamac Cali wuxuuna ka codsaday golaha inay ka doodaan oo ay ansixiyaan labadaa Xeer oo sida uu sheegay baahi weyn loo qabo, kuwaas oo uu xusay haddii aan la meel marin in aanay Somaliland dunida la macaamili Karin.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post