X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Cusub Ee Banaadir Yarisow Oo La Kulmay Safiirka Turkiga Iyo Arrimaha Ay Ka Wada Hadleen

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir, Isla markaana ah duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta gobolka Benaadir.

Eng. Yarisow ayaa marka hore uga mahadceliyey Safiirka doorka ay Turkiga ka cayaarto Soomaaliya oo uu sheegay in xiriirka labada dal ka dhexeeya uu tusaale cad u yahay taageerada aan shuruudu ku xidhnayn. Waxuna tilmaamay in shacabka ku dhaqan Muqdisho ay si weyn uga dheregsan yihiin gacan siinta walaaltinimo ee Turkiya.

“Xidhiidhka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya sidii ay dib ugu soo kaban lahayd oo ay xasilooni iyo horumar u heli lahayd , sidoo kale  waxay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan dib-u-soo nooleynta adeegyadii guud”.Ayuu yidhi  Eng. Yarisow.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker, ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu kala shaqeynayo maamulka cusub ee gobolka Benaadir dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta Gobolka Benaadir
Muqdisho-Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post