X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Xilliga la Qaban Karo Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa caddeeyey in doorashada Madaxtooyada lagu qaban karo muddada ay isku raaceen Madaxweynaha, saddexda xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku, haddii abaartu jabto.
Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in marka laga baxo abaarta oo uu da’o roob wanaagsani la qabanayo doorashada, isla markaana waxa uu ku dhawaaqay Golahooda Guurtidu ay tixgalin doonaan soo jeedinta Madaxweynaha, Guddoomiyayaasha saddexda xisbi siyaasadeed iyo Komishanka Doorashooyinku ee ay isku raaceen in doorashada Madaxtooyada la qabto 10 October 2017, dibna looga dhigo waqtigii ay hore ugu qorshaysnayd ee 28 March 2017.
Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo warbaahintu wax ka waydiisay arrimaha doorashada iyo abaarta, waxa ugu horreyn la su’aalay sida uu u arko heshiiska muddada dib-u-dhigista doorashada ee Madaxweynaha, xisbiyada iyo Komishanka iyo weliba in loo gudbiyey golahooda ilaa hadda, waxa uu ku jawabay, “Xaq bay u leeyihiin inay wax soo jeediyaan, golahana (Guurtida) waa la horgaynayaa ee maxaad uga degdegaysaan aan wada sugno.”
“Weli waxba nama soo gaadhin ee markuu na soo gaadho baanu ka talin,” ayuu yidhi Md. Saleebaan, waxaannu meesha ka saaray inuu jiro kulan dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha oo la isla dhexmarayey.
Waxa kaloo uu la waydiiyey in muddada kordhinta ee ay isku raaceen dhinacyada doorashadu khusaysaa tahay mid ma ku habboon qabashada doorashada iyo in kale, waxaannu ku jawaabay, “Abaartu hadday jabto doorashada waa la galayaa, haddii ay jabiwaydo waxbaba innaga hadhimaayaane Ilaahay ha innaga jabiyo abaarta, waqtigaa haddii gu’ fiicani da’o waa laga gaadhsiin karaa (qabashada doorashada).”
Ugu dambayntii, waxa uu sheegay inay gole ahaan tixgalin doonaan soo jeedinta muddo-kordhinta cusub ee ku astaysan 10 October, “Xisbiyadu iyagu talo ayey soo jeediyeen, taladoodiina waa la tixgalinayaa ee ha la gaadho,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan oo la su’aalay sida uu arko walaac dhinayac badan oo xisbiyada siyaasadda dalku ka mid yihiin ka qabaan in Guurtidu samayso muddo-kordhin ka badan ta ay iyagu isla gaadheen.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post