X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Hoggaamiyaasha Saddexda Xisbi Qaran Oo Ka Hadlay Kulan Ay Ka Yeesheen Qoraal Madaxtooyadu U Gudbisay

Hargeysa(ANN)Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ah Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa Maanta Kulan Wada tashi ah la yeelatay Madaxda Sadexda Xisbi qaran si ay u dhagaysato aragtidooda ku waajahan Qaraarkii Golaha Guurtida iyo soo Jeedintii Axsaabta qaranka.
Kulanka oo lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare, wuxuu ahaa mid saxaafadu aanu goob joog ka ahayn, balse markii uu dhamaaaday waxa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ku hadlayay Afka saddexda Xisbi qaran.
Sidoo Kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Distooriga ah Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa dhiniciisa iftiimiyay Sababta dhalisay inay Kulanka la qaataan Sadexda Xisbi Qaran.
Maxkmadda ayaa la filayaa inay tafsiir ka bixiso sharciyada Golaha Guurtidu u cuskatay muddada ay u kordhisay Xukuumadda iyo golaha wakiiladda. Kaddib markii dib u dhac ku yimi doorashooyinkii la filayay inay Somaliland ka qabsoomaan sannadkan lagu jiro 2015.


Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post