X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo la Kulmay Jaalliyadda Somaliland ee Dalka Denmark

Araweelo News Network

Copenhegan(ANN)Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo ku gudo jira bilawga safar dheer oo shaqo oo Guddoomiyuhu isu marayo qaarka mid ah wadamada Europe ee jaalliyadaha ugu badan ee qurbajoogga Somaliland ku dhaqanyihiin ayaa maanta la kulmay jaalliyadda Somaliland ee dalka Denmark.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Copenhegan ee caasimadda Denmark waxa si diiran u qaabilay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Gudida Jaalliyadda, kooxo ka mid ah waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo qaybaha bulshada kala duwan ee Jaalliyadda kuwaasoo uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimi guddoomiyuhu.
Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo ugu horayn uga mahadceliyay qurbajoogga sida ay ugu soo dhaweeyeen Denmark iyo xafladda ay ku qaabileen ayaa ku bogaadiyay jaalliyadda Denmark iyo guud ahaan qurbajoogga doorka waxtarka leh iyo kaalinta ay kaga jiraan dhismaha, dhaqaalaha iyo horumarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland wuxu uga waramay jaalliyadda in ujeedada ugu weyn ee safarkiisa jaalliyadaha Europe ku qotomo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga, ka wadatashiga horumarinta doorka qurbajoogga, wacyigelinta jaalliyadaha iyo inay si fiican isugu xidhmaan Wakaaladda Qurbajoogga iyo jaalliyaduhu.
Guddoomiyaha Wakaaladdu wuxu ku boorriyay jaalliyadda Denmark inay laba jibbaaraan isku duubnidooda, wadajirkooda, waxwada qabsigooda iyo doorkooda ka qaybgalka dhismaha iyo horumarka dalkooda Somaliland ee dhinacyada dhismaha kaabayaasha iyo adeegga bulshada, nabadgelyada, maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo ololaha ictiraaf raadinta Somaliland, Guddoomiyuhu wuxu dhirrigeliyay qaadhaanka dhaqaale ee qurbajoogga ee mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda sida waddooyinka iyo sidoo kale doorka mutadawaciinta dhalinyarada aqoonyahanka ah iyo xirfadleyaasha qurbajoogga.
Dhinaca kale, dadweynaha xafladda ka soo qaybgalay ee jaalliyadda Denmark ayaa su’aalo doora guddoomiyaha ka waydiiyay xagga dalka gaar ahaan dhinacyada horumarka, maalgashiga, nabadgelyada, siyaasadda dawladda ee ku wajahan soo dhawaynta, doorashooyinka iyo diwaangelintaba. Kulankan ayaa ku dhammaaday jawi is qancin badan iyo farxadi ka muuqato.
Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo sii wata safarkiisa jaalliyadaha Europe ayaa maanta uga gudbay Denmark dhinaca magaalada Malmo ee dallka Sweden.

Xasan Axmed Yusuf
Agaasimaha Fulinta Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland
Hargeisa, Republic of Somaliland
Email: sldiasporagecy@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post