X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Ay Weheliyaan Wasiirada Madaxtooyadda Iyo Maaliyadda Oo Cusbitaalka Hargeysa Ku Booqday Boobe Yuusuf Ducaale

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) Maanta oo isniin ah taariikhduna tahay 27/06/2016 waxa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa booqasho ku tegay Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyeen Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Gudoomiyaha iyo labada wasiir markii ay gaadheen qolka Room 3 oo uu ku sugan yahay Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo maalmahan xaalad caafimaad u jiifay dhakhtarka weyn, ayaa bariido ka dib waxay la qaateen wakhti kooban oo ay mujaahid ka xaaladiisa ugu kuurgaleen kana waraysteen sida uu hadda yahay caafimaad ahaan mujaahidku.

Mujaahid boobe oo xaaladiisa caafimaad maalinba maalinta ka sii danbaysa ay ka soo raynayso, waxay gudoomiyaha iyo labada wasiir Alle uga baryeen inuu ka dulqaado Xanuunka oo uu caafimaad degdeg ah siiyo. Amiin Amiin Amiin.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post