X
    Categories: Warar

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Xilal Cusub Magcaabay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa u magcaabay masuuliyiin cusub xisbiga. sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga oo uu ku saxeexnaa gudoomiyuhu.

Qoraalka, ayaa u qornaa sidan:- “Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Guddida Fulinta Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga, waxa maanta oo ay bishu tahay April 18th, 2017 loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran in ay noqdaan Guddida Fulinta Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

1. Xasan Digaale Xuseen – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

2. Muxumed Aw Daahir Ismaaciil – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

3. Cabdillaahi Maxamed Cali – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

4. Cabdiqani Faysal Maxamed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

5. Jamaad Aw Ismaaciil Qallinle – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

6. Xaawa Abiib Cabdi – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

7. Safiya Ismaaciil Daahir – In maanta laga bilaabo ay ahaato Afhayeenka Garabka Haweenka Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

8. Cabdixakiin Maxamed Maxamuud (Cabdixakiin Cujuul) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Komishanka Doorashooyinka Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

9. Axmed Cabdillaahi Aw Cabdi (Axmed Daahir) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Gobolka iyo Degmooyinka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hawd.

10. Cabdirisaaq Muuse Cali – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Saxaafadda iyo Warbaahinta Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

11. Cabdiqaadir Barre Raage – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

12. Cabdirixiin Cabdillaahi Yuusuf – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgalyada Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

13. Ibraahim Yuusuf Mooge – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

14. Cabdi Cumar Xaashi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

15. Cabdalle Maxamed Kirix – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku-Xigeenka Madaxa Abaabulka iyo Wacyigelinta Gobolka Hawd ee xisbiga KULMIYE.

Waxa aan u rajaynayaa masuuliyiinta magacyadoodu kor ku xusan yihiin in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda xilalkooda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post