X
    Categories: Warar

Haweenayda Maraykanka U Joogta Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Dawladda Iran Siisay Xuutiyiinta Yemen Gantaalladii Sacuudiga lagu weeraray

Araweelo News Network

New York(ANN)-Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa soo bandhigtay wax ay ku sheegtay in ay yihiin hadhaaga gantaallo ay dowladda Iiraan siisay mucaaradka Yaman.

Gantaaladan ayay Xuutiyiinta u isticmaaleen weerar ay ku qadeen dhulka Sacuudiga. Mar ay ka hadlaysay hadhaagii gantaaladaasi ay soo bandhigtay ayay sheegtay in ay tahay mid muujinaysa sida ay Iiraan u hurinayso colaadda bariga dhexe.

Iiran ayaa beenisay eedeeynta loo soo jeediyay ee ah in ay horinayso colaadaha bariga dhexe iyo in ay Xuutiyiinta hub siisay.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanka ay doonayaan in ay qariyaan dambiyada dagaal ee ay Sacuudiga ka gaysteen Yamen.

Xuutiyiinta ayaa dalka Yamen kula dagaalamaya xulafada ay hogaamiyaan Sacuudiga, waxayna Horraantii bishan kooxda Xuutiyiinta ay dileen madaxwaynihii hore ee Yamen Cali Cabdalle Saalax.kadib markii uu sheegay inuu ka baxay isbahaysigii uu kula. Jiray kooxdaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post