X

Hay’ad Xuquuqda Aadamaha Ah Oo Xukuumadda Djibouti Ku Canbaaraysay Xadhig Iyo Tacadi Ay Sheegeen Inay Ku Kacday

Djibouti(ANN)- Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Djibouti oo loo soo gaabiyo LDDH (Ligue djiboutienne des droits humains), ayaa ka hadlay mudahaardyo ka dhacay dalka Djibouti labadii maalmood ee u danbeeyay, kuwaas oo ka dhashay Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ahaa Sarkaal Millateriga dalkaa ka tirsanaa oo muuqaalo la sheegay in xabsiga lagaga duubay laga baahiyay baraha Bulshada.

 

Hay’adda LDDH, waxay sheegtay in marka loo eeggo macluumaadka ay sida joogtada ah u helayaan ee la isku halleyn karo ay soo aruurisay LDDH, qabqabashada sharci-darrada ah iyo xadhigga ay wado xukuumadda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ay weli  u muuqdaan mid aan xasilloonayn.

Waxayna shaaciyeen liiska Magacyada dadka la qabtay oo isugu jira Rag iyo Haween ah, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin sidan:-

1-Markabo Farah
2-Nimane Guelleh
3-Oubah Waiss Hoch
4-Mako Idriss Abdillahi
5-Gachanleh Idriss Abdillahi
6-Fatouma Amoud
7-Fatouma Youssouf
8-Hawa Mohamed
9Mariam Ibrahim
10-Hawa Abdillahi
11-Awaleh Abdillahi, sidoo kale, waxay sheegeen toddobo haween ah oo aqoonsiyadooda aan weli la dhammaystirin, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Aasiya, Hamda, Fardoussa, Mane, Jouwhara, Fahima, Saada.

 

Sidoo kale, waxay sheegeen Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee LDDH, in Kassim Nouh Abar 3 maalmood ku xidhnaa Guutada Cali -Sabieh Gendarmerie. Waxa kale oo sheegeen in dhowr jeer la qabtay dhalinyaro ka kala socota Dowlada Hoose ee Boulaos.

Sidaa awgeed, LDDH waxay si adag u cambaareyneysaa xadhiga  sharci darrada ah iyo kuwa sharci darada ah, waxayna ugu baaqaysaa nidaamka ka jira dalka Djibouti  in lasii daayo dhammaan maxaabiista si aan kala sooc laheyn loogu xidhay dalka.

Pour la LDDH
Le Président
Omar Ali Ewado

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post