X
    Categories: Warar

Hogaamiyaha WADDANI oo Caawimooyin Kala Duwan Gaadhsiiyey Deegaamo ka Tirsan Bariga Sanaag

Araweelo News Network

Hoggaamiyaha WADDANI Xirsi oo biyo u shubaya dadka abaartu haleelashay

Ceergaabo(ANN)-Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mr. Xisi Cali Xaaji Xasan iyo wefti uu hoggaamiyo oo maalmihii u dambeeyey socdaal dhinaca u kuurgalka abaaraha ah ku marayey degaannada Gobolka Sanaag, ayaa kormeer iyo Indho-indhayn uu ugu kuurgelayo xaaladda abaareed ku tegay deegaamo ka tirsan Bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan Yubbe iyo deegaamo kale oo uu gaadhsiiyey biyo iyo cuntooyin kala duwan.
Dadka ku dhaqan deegaamada uu hoggaamiye Xirsi gaadhsiiyey caawimada, ayaa ka warbixiyey xaaladda ay ku sugan yihiin, waxaanay sheegeen in ay hayso abaar xoogan oo aanu muddo gaadhaysa laba sanno wax roob ahi helin deegaamadooda, iyagoo sidoo kale sheegay in ay ka dhammaadeen biyihii ku jiray berkadaha oo ay ka cabbi jireen, sidaa darteedna ka hayaameen xoolihii ay dhaqan jireen, lana geeyey deegaamo kale si ay u helaan meel u dhaanta halka ay deganaayeen, waxay u mahadceliyeen masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee kaalmada gaadhsiiyey.


Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa kulamo xaal waraysi ah la yeeshay dadka ku nool degaannada ay abaaruhu saameeyeen ee bariga Sanaag, isagoo u kuurgalay xaaladooda iyo waxa ay ku nool yihiin, waxaannu u sheegay inay xisbi ahaan u geeyeen wixii ay ugu talogaleen ee la xidhiidha awoodooda xisbi, balse waxa uu Ilaahay uga baryey inuu ka dul qaado abaaraha.

“Waxaanu u nimmi deegaanka in aanu xaalkiina ogaanno wixii aanu idinla qaban karnana idinla qabano, waanu arkaynaa duruufta ka jirta deegaanka oo waanu soo marnay, wixii aanu idinla qaban karno waanu idinla qabanaynaa, dadkana waanu wargelinaynaa biyo iyo baadba, haddii ay tahay dawlad iyo xisbiyoba iyo qurbajoogba waxaannu leenahay dadkii wuu duruufaysan yahay oo waad aragtaan, wixii aad ka tari karaysaan ka tara, idinkana waxaanu idin leenahay intiina ladani intiina kale u gargaara,” ayuu yidhi Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post