X
    Categories: Warar

Hoggaamiyaha Dalka Iiraan Oo U Aqoonsaday Shahiid Madaxii Difaacayaasha Daryeelka Caafimaadka Oo Ku Dhintay Dagaalka Dalkiisu Kula Jiro Coronavirus

Medics are seen at the special ward for corona-infected patients at Be'sat Hospital of the Iranian Army in Tehran. (Photo by Fars News Agency)

Tehran(ANN)-Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga Ayatollah Seyyed Ali Khamenei, ayaa ku tilmaamay geerida Madaxii hoggaaminayay dagaalka Iiraan kula jirto la tacaalida Coronavirus in loo aqoonaday halyay u shahiiday badbaadada dadkiisa.


Ayatollah Seyyed Ali Khamenei, wuxuu ogolaaday soo jeedin ahayd in loo tixgeliyo shahiidiin u shahiiday badbaadada dadkooda shaqaalaha caafimaadka ee naftooda ku waayay dagaalka ka dhanka ah faafitaanka coronavirus ee dalka Iiraan.

Khamenei ayaa Talaadadii ogolaaday soo jeedintaa oo ka timi Wasiirka Caafimaadka Iiraan Saciid Namaki uu ku magacaabay dhammaan shaqaalaha caafimaadka ee dalka, oo ay ku jiraan dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad, kuwaas oo naftooda ku waayey dagaalka ay kula jiraan Coronavirus.

Warqad qoraal ah oo Wasiirka Caafimaadka Iiraan Saciid Namaki u diray Ayatollah khamenei, wuxuu u mahadceliyay hoggaamiyaha wuxuuna u rajeeyay caafimaad iyo guul shaqsiyaadka dadaalka badan ee naftooda khatar geliyay si ay wadanka uga caawiyaan inuu soo maro waqtigan adag.
Dalka iiraan laga soo bilaabo Talaadadii, 291 dhimasho ayaa laga xaqiijiyey inay geeridoodu sabab u noqotay Coronavirus, Isugeyn 8,042 qof ayay gaadhay tirada bukaanka uu haleelay Fayriska Coronavirus, waxaana kasoo kabtay 2,73, ka mid ah tiradaa.

Meelaha ugu badan ee cudurka laga soo sheegay ayaa ah gobollada Tehran, Mazandaran, Isfahan, Rasht iyo Qom, oo ah halkii markii ugu horreysay laga helay Coronavirus.

Coronavirus-ka ayaa markii hore ka soo ifbaxay dalka Shiinaha dabayaaqadii sannadkii hore wuxuuna hadda ku sii fiday dhammaan qaaradaha Aduunka, taas oo kor u qaaday cabsi laga qabo inuu saamayn weyn ku yeesho dunida oo dhan, iyadoo xilliganba uu saamayn ku yeeshay dhaqaalaha dunida iyo isu socodka, isla markaana kala qo-qobay aduunka.

Cudurka Coronavirus, waa fayris si xawli ah u faafaya, wuxuuna leeyahay astaamo ay ka mid yihiin qandho, qufac iyo neefsashada oo qofka ku noqota dhib, waxayna sataamahani sababi kartaan nabaro sambabada qofka gaadha iyo waxa loo yaqaan Oof wareenka.

Tan iyo bishii Disembar 2019, in ka badan 114,510 oo qof ayuu ku dhacay cudurka Coronavirus oo gaadhay in ka badan 80 dal oo dunida ah, waxaana u dhintay 4,020 qof, kuwaas oo intooda badan u dhasheen dalka Shiinaha ee uu kasoo bilaabmay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post