X
    Categories: Warar

Hoggaamiyaha Keli Taliska Ah Ee Djibouti Oo Sheegay Inuu Yahay Qofka Ugu Habboon In Xukunka Loogu Celiyo

Araweelo News Network

Djibouti(ANN)Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Hoggaamiyaha kaligii taliyaha ee Djibouti, ayaa meel fagaare ah mar kale kaga dhawaaqay in uu ka qeyb geli doono doorashooyinka madaxtinimada ee dhawaan ka dhacaya dalkiisa

Mr. Geelle oo boqolaal qof oo xisbigiisa taageersan kula hadlay maanta deegaanka Carta ayaa sheegay in Djibouti ay markale u baahantahay hoggaan daacad ah, islamarkaana isagu uu noqon karo shakhsiga reer Djibouti ee dadkiisu u baahanyihiin.

Madaxweyne Geelle oo u muuqday Nin ku kalsoon in uu doorashada soo socota kusoo bixi karo, maadaama aanay jirin mucaarad awood badan iyo komishan dhexdhexaad ah, isla markaana uu haysto lacago malaayiin dollar ah oo uu iyo awooda xilka uu hayo oo uu u adeegsanayo doorashada, isagoo weliba taageero ka helaya reer galbeedka.

“Djibouti xilligan adag waxay u baahantahay hoggaamiye daacad ah oo khibrad leh,haddii aan idinla kaftamo Hoggaamiyahaas wuxuu kasoo bixi karaa xisbiga UMP”ayuu yidhi, Geelle.

Mucaaradka Djibouti oo aan awood badan lahayn, ayaa madaxweyne geelle ku eedeeyay in uu dhowaan kulan la yeeshay shaqaalaha dowladda, isagoo uballan qaaday mushaar kordhin haddii ay isaga codka siiyaan, iyadoo marka horeba aanay jirin awood ay shaqaaluhu u leeyihiin inay si xor ah u dhiibtaan codkooda.

Dalka Djibouti mudadii uu Madaxweyne Geelle xukunka hayay, waxa door ka ciyaaray siyaasadaha iyo loolanka dhinaca Istiraatiijiyada ee mandaqada, taas oo uu dhaqaale badan ka helay, iyadoo kumanaan dadkiisa ah oo shaqo la’aan haysay shaqooyin ka heleen, waxaana dalka Djibouti ku sugan oo uu martigeliyay kumanaan askari Faransiis iyo Mareykan ah, balse waxaa lagu tilmaamaa inuu ka jiro musuq maasuq iyo kaligii talisnimo iyadoo lagu eedeeyo qoyska Madaxweynaha inay gacanta ku hayaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post