X
    Categories: Warar

Hoggaamiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran Iyo Xukuumadda Oo Soo Afjaray Murankii Siyaasadeed Ee Arrimaha Dib U Dhaca Doorashada Iyo Qodobada Lagu Heshiiyay

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka hadlaya heshiisk la gaadhay

Hargeysa(ANN)Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa waxa caawa qasriga madaxtooyada kusoo afjaray khilaafkii u dhexeeyey asxaabta mucaaradka ah iyo xukuumada ee ku salaysnaa arrimaha doorashooyinka, waxaana dood dheer ka dib laga soo saaray kulankaa 4 qodob oo muhiima, kuwaas oo la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golaha wakiilada oo laysla qaatay waqti lagu wada qancay.

muuqaalka masuuliyiinta

Heshiishka dhinacyada waxa saxeexay Gudoomiyaha Xisbiga Muxafidka ah ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Mucaaradka WADDANI, isla markaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro , Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici.

Afar qodob oo uu ka kooban yahay Heshiiska dhinacyadu isla qaateen, ayaa lagu muujiyay in laysla qaatay in doorashadu qabsoonto badhtamaha Desember ee sanadka 2016, iyadoo aanay jirin maalin loo asteeyay. Sidoo kale waxa laysla qaatay in heshiiska loo gudbiyo Hay’addaha dastuuriga ah si loo waafajiyo sharciga iyo qaanuunka dalka.

Guddoomiyayaasha sadexda Xisbi qaran iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa si wada jira warbaahinta ula hadlay, waxay cadeeyeen in heshiiskaa laysla qaatay si loo soo afjaro murankii ka dhashay arrinta muda-kordhinta Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda ay u sameeyeen golaha Guurtidu, kaas oo ahaa sanad iyo toban bilood.
Lifaaqa qodobada Heshiiska ka daalaco halkab hoose:





Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post