X
    Categories: Warar

Hoggaanka WADDANI Oo G’aamiyey in Wadahadal Lala Furo Xubnaha ka Cadhooday Shirkoodii Golaha Dhexe

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Hoggaanka sare ee xisbiga mucaaridka WADDANI, ayaa shir ay ku yeesheen xaruntooda caasimadda Hargeysa shalay iskula qaatay in la diro ergo wadahadal la fura Md. Axmed Muumin Seed iyo Md. Faarax Maxamed Cabdulle oo labadooduba ka tirsan hoggaanka WADDANI, kuwaasoo ka cadhooday qaabka loo maamulay shirkii golaha dhexe ee lagu doortay murrashaxiinta xisbiga uga qaybgalaya doorashada Madaxtooyada oo u muddaysan 28 March 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
Qoraal uu Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ahna murrashaxa Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) soo saaray xalax, ayaa lagu caddeeyey saddex xubnood oo kala ah; Xirsi Cali Xaaji Xasan, Milgo Maxamed Cilmi iyo Jamaal Jaamac Xaamud loo xilsaaray inay wadahadal la furaan Md. Axmed Muumin Seed iyo Md. Faarax Maxamed Cabdulle.
“Mudanayaal iyo marwooyin, waxa saaka (shalay subax) shirkii toddobaadlaha ahaa ee hoggaanka xisbiga WADDANI oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga, waxa la go’aansaday in loo igmado ergo wadahadal iyo wada-xaajood la yeesha mudane Axmed Muumin Seed iyo Mudane Faarax Maxamed Cabdulle, ergadaas oo ah saddexda xubnood ee warqaddani sida tooska ugu socoto.
Waxa aan Ilaahay idiinka baryayaa inuu idiin fududeeyo ergadala idiin igmaday,” ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo u sharaxnaa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbigaas Md. Faarax Maxamed Cabdulle, ayaa hore ugu dhawaaqay in aanay marnaba aqbali doonin natiijada ka soo baxday shirkii golaha dhexe ee xisbigooda, waxayna ka mid noqdeen xubno la baxay garabka toosinta iyo caddaaladda WADDANI, iyagoo sheegay inay dacwad rasmi ah u gudbinayaan Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
Hase yeeshee, xoggaanka xisbiga WADDANI, ayaa go’aansaday in wadahadal lala furo xubnaha ka cadhooday shirkoodii golaha dhexe, waxayna u magacaabeen ergo ka kooban saddex xubnood oo uu hormuud u yahay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post