X
    Categories: Warar

Israa’iil Oo Iskaga Baxday Xubinimadii Hay’adda Dhaqanka Iyo Waxbarashadda Markii Lagu Wargeliyay Inay Al-Quds Xoog Ku Haysato

Al-Quds photo file Araweelonews.com

Araweelo News Network

A general view of Jerusalem shows the Dome of the Rock, located in Jerusalem al-Quds’s Old City on the compound known to Muslims as Noble Sanctuary and to Jews as Temple Mount on December 6, 2017. (Photo by Reuters)

New York(ANN)-Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo waxbarashada ee loosoo gaabiyo UNISCO ayaa sheegtay inay qoraal rasmi ah ka heshay dawladda Israa’iil Axadii, kaas oo Israa’iil ay ku go’aansatay inay marto waddadii Mareykanka oo ay iskaga baxdo xubinnimada hay’adda.

Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ka xumaaday qaraaro taxane ah oo hay’adda UNISCO ay mid ka mid ah ugu sheegtay Israa’iil inay Qudus tahay magaalo la heysto oo ay xoog ku heysato.

Israa’iil ayaa leh sagaal xaruma dhaqameed oo qadiimi ah, kuwaas oo ku jira liiska hay’adda UNISCO ee waxyaabaha qadiimiga ee caalamka, waxaana ka mid ah xarunta King Herod oo horey loogu yaqiinay Masada kuna taala xadka Israa’iil iyo Urdun ee Badda Loo yaqaano Dead Sea.

Madaxa hay’adda UNISCO Audrey Azoulay, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay go’aanka Israa’iil ay ug baxday xubinimada hay’adda.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa hore u sheegay in ay ka baxayaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO oo ay ku eedeeyeen waxa ay ku sheegeen in ay ka xagliso Israa’iil.

Wasaaradda arimaha dibadda Maraykana ayaa sidoo kale waxay eedaha loo soo jeediyey ee ah in aanay muddo lix sanadood ah bixinin qaadhaankii ku waajibay ee ururkaa la siin jiray kaga jawaabay in sababta ay u joojisay tahay xubinnimada hay’addaa laga siiyey maamulka Falastiiniyiinta.

Madaxa UNESCO. ayaa xiligaasi ka xumaatay go’aankaa, weriye ka tirsan BBC-duna wuxu sheegayaa in go’aankani tusaale u yahay dhaleecaynta madaxweyne Trump ku hayo dhaqaalaha dalkiisu siiyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post