X
    Categories: Warar

Kabul: Qarax Ay Ku Dhinteen Ku Dhowaad Boqol Qof

Araweelo News Network

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa Ka muuqda burbur xooggan Lahaanshaha sawirka EPA

Kabul(ANN)-Qarax weyn oo ismiidaamin ah, ayaa ka dhacay caasimada Afqaanistaan ee Kabul, waxayna wararka hordhaca ah sheegayaan in ugu yaraan ay ku dhinteen 95 qof.

Sida ay sheegeen saraakiisha dalka Afqanistaan qaraxa ayaa waxaa sidoo ku dhaawacmay dad gaadhaya 158 qof, waxayna sheegeen in Kooxda weerarka Fulisay ay adeegsatay gaadhi nooca gurmadka degdega ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ay ka dhacay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana sidoo kale goobtaasi ku dhaw xafiisyada ururka midowga Yurub.

Gaadhiga qaraxa loo adeegsaday, ayaa ka hor Intii aanu fulin weerarka, wuxuu kasoo gudbay koontarool oo ay booliiska joogeen.

Waxaa la arkayay qiiqa ka baxayay goobta uu qaraxa ka dhacay
Kooxda Daliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka. Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ka muuqda burbur weyn.

Toddobaad ka hor Taaliban ayaa weerar ay ku qaadeen Hotel ku yaalla Kabul waxa ay ku dileen 22 qof oo u badan dad ajaanib ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post