X
    Categories: Warar

Kenya Oo Ka Wer-wersan Weerarro Qorshaysan Oo Al-shabaab ka Fuliyaan Dalkeeda

Araweelo News Network
Malindi – Kenya(ANN)Dawladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujisay weerarro khasaare badan dhaliya oo kooxda Al-shabaab ka fuliyaan qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

Maamulka dawladda ee degmada Malindi oo ku taal xeebaha Gobolka Woqooyi/bari ee Kenya, ayaa cabsi weyn ka qaba weerarro qorsheysan oo la sheegay in Al-shabaab la damacsan yihiin qaybo ka mid ah magaaladaas iyo magaalooyin kale.

Guddoomiye-ku-xigeenka degmada Malindi Mr. Gideon Ombongi, ayaa warbaahinta u sheegay shalay inay haleen xogo la xidhiidha dagaalyahanno Al-shabaab ah oo qorshaynaya inay weerarro ismiidaamin ah ka fuliyaan magaaladooda, isagoo caddeeyey in arrintaasi walaac xooggan oo dhinaca ammaanka ah ku beertay maamulka iyo shacabka ku dhaqan degaankaas.

Mr. Ombongi waxa uu ugu baaqay dadweynaha in ay feejignaadaan, isla markaana ciidammada ammaanka kala shaqeeyaan ka-hortagga weerarrada qorshaysan ee Al-shabaab la maaggan yihiin magaalada Malindi.

Dhinaca kale, Sirdoonka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in lix dagaalyahan oo Al-shabaab u qaabilsan weerarrada is-qarxinta loo diray gobollada xeebta ee dalkooda, waxaanay qorshahaas ku tilmaameen halis cusub oo soo waajahday amniga waddankaas.
Tobanaan ka mid ah Al-shabaab ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin degaanno ka tirsan gobollada Woqooyi/bari iyo kuwa xeebaha dhaca ee dalka Kenya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post