X
    Categories: Warar

Puntland: Khilaafka Madaxweyne Gaas Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Sababay In Murrashaxiintu La Kala Saftaan

 

Garoowe(ANN)-Khilaaf cirka isku shareeray, ayaa u dhexeeya hoggaanka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey qoraal uu soo saaray ku magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka soo xulista xubnaha Barlamaanka Puntland.

Magacaabista Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, ayaa soo baxday saacado kadib markii uu madaxweyne Cadbiwali Gaas uu soo magcaabay xubano uu sheegay in ay yihiin kuwa la doonayo in ay xaliyaan khilaafka ka dhasha tartanka doorashada ee lagu soo xulayo Baarlamaanka oo dooranaya Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland oo ay ku tartamayaan murrashaxiin baddan.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey, ayaa ku sheegay magacaabista guddiga ee Gaas mid aan sharci ahayn oo aan isaga lagala tashan sidaas daraadeed uu  magacaabay guddida kale.

Khilaafka u dhaxeeya hoggaanka maamulka isku magacaabay ‘Puntland’ ayaa sababay in murrashaxiintu ku kala qaybsamaan, waxaana lala xidhiidhiyay khilaafkan mid sii xoogeysanayay bilihii lasoo dhaafay, isla markaana salka ku haya ismariwaaga u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, iyadoo Madaxweyne ku xigeenka Puntland hore u sheegay in aanu fahmin sababta loo sameeyay golaha maamul goboleedyada isu bahaystay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post