X
    Categories: Warar

Ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa oo la Kulmay Guddoomiyaha Midawga Afrika

Araweelo News Network

Addis Ababa (ANN)- Ku-xigeenka safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa la kulmay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Mr. Moussa F. Mahamat, iyadoo kulankuna ka dhacay xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa oo uu ka socdo kal-fadhiga 29aad ee caadiga ee ururka AU-da.
Safiir Ayaanle Salaad Diiriye, ayaa sheegay in kulanku ahaa mid isbarasho ah, maadaama Guddoomiyaha Midowga Afrika yahay masuul xilka ku cusub, isagoo xusay inay isla qaateen inay isugu yimaadaan kulamo kale oo dambe.
“Ku-xigeenka Safaarada JSL ee Itoobiya, safiir Ayaanle Salaad Diiriye sharaf iyo qiimo u tahay kulan dhexmaray Gudoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mahamat magaalada Addis Ababa.” Sidaa waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray safiir Ayaanle Salaad oo shabakadda SomalilandSpan heshay, waxaannu intaas ku daray; “Kulanka oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika, ayuu xilligan ka socdaa kal-fadhigii 29aad ee caadiga ahaa ee Midowga Afrika. Waxaana loo ballamay kulamo dambe.”
Waxa kaloo Safiir Ayaanle Salaad sheegay inuu kulamo dheeraad ah la yeeshay dublamaasiyiin kaloo ka socday wadammada Afrika ee ka qeybgelaya kal-fadhiga Midowga Afrika, isla markaana uu natiijada shirarkaas oo faahfaahsan bulshada reer Somaliland la wadaagi doono dhawaan Insha Allaah.
Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mahamat iyo safiir-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya Mr. Ayaanle Salaad Diiriye, ayaa noqonaya mid jidka u xaadha xidhiidh wada shaqayneed cusub oo dhexmara Somaliland iyo Midowga Afrika, taasoo fursad wanaagsan u noqon karta in si wanaagsan loogu fahmo xaqa madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiyaha Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mahamat oo hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Chad (Jaad) oo ku yaal badhtamaha Qaaradda Afrika, ayaa xilkan kaga guulaystay dabayaaqadii sannadkii hore ee 2016, kadib markii tartan ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya marwo Aamina Maxamed.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post